Hay’adda Culimada Soomaaliyed Oo Cambaareysay Weerarkii Liido

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka hadashay weerarkii habeen kahor Al-shabaab ku qaadeen Liido Sea Food ayaa cambaareeyay falkaasi, iyaga oo sheegay in dhacdadani ay ahayd wax aad looga xumaado.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weerarkaasi aanu wax sal ah ku lahayn Islaamka islamarkaana ay xaaraam tahay in la baneysto dhiigga dadka shacabka ah.

“Waxay rabeen inay xasuuq ka geystaan halkaasi, diinteena ma qabto in argagax la geliyo dadka, in la laayo shacab muslim ah oo aan waxba galabsan waliba iyaga iyo caruurtooda” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Ugu dambeyn Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa umadda Soomaaliyeed uga tacisyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii Liido.

Ugu yaraan 20 qof oo shacab u badan ayaa ku geeriyooday weerar Al-shabaab ku qaadeen mqaayad ku taalla xeebta Liido habeen ka hor.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW