U bood dhigaalka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Oo Dowladda Federaalka Ugu Baaqday u Gurmashada Dadka Ay Saameysay Abaarta Ka Jirta Dalka

Sheeko:Dalka

Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa shacabka qeybahiisa kala duwan ugu baaqday inay ka qeyb qaataan u gurmashada walaalaha ay saameysay abaarta ka jirta inta badan gobollada dalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka hay’addaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in shacabku ay muhiim u tahay inay u midoobaan u gurmashada qoysaska ku nool goballo kamid ah Soomaaliya oo ay lasoo daristay abaar daran taas oo keentay inay u dhintaan dadka qaar.

Sheekha ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay siyaabo badan wax ku qaban karto, sida in wixii ay hayso ay wax ka bixiso iyo sidoo kale in abaabul weyn ay sameyso, balse aanu mas’uuliyadda ahayn in dareen gaar ah aan lasiin shacab Soomaaliyeed oo baahi u dhimanaya.

“Dowladda siyaabo badan wax ku qaban kartaa, waxa ay hayso haba yaraatee waxbay ka bixin kartaa, abaabul bay sameyn kartaa, adduunyada u baaqi kartaa, hadda goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo muddo maqleynay waa la baaba’ay, dad iyo duunyaba wey dhinteen ayeey maalin dhaweyd dhahayn waxaan magacawnay dhowr wasiir, la magacawyee maxay qabteen, meeshooda ayeey iska fadhiyaan taasna waan ka xunnahay, mas’uuliyadda sidaasi ma ahan, dad dhimanaya oo Soomaali ah waxay ahayd in dareenka lagu jeediyo adduunyada, gudaha iyo dalkaba, dowladda abaabul iney gasho, iney ka xanuunsato, waxaad moodaa in innaga na dhibeyso muranka iyo siyaasadda, waxaan micno lahayn ayaad moodaa in dareenkeennu uu kusii jeedo, waxaa jirta maah maah ah Geedka Meygaagga la yiraah Meyrax lagama diirto, marka waxa weeye qofkii ku jecel Meygaag buu mayrax kaaga diiraa, qofka inuu wax kusiiyo ayuu rabaa dhibkaagana wuu dhibsanayaa marka geedkaan ayuu wax un kaaga jaf jafi, qofkaan wax kula rabin hadde wuxuusanba kaaga helayn Geedihii waaweynaa sida Qansax iyo Galoolka” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Ugu Dambeyn Sheekha ayaa sheegay in faa’ido badan ay leedahay in la’isku gurmado, islaamkana uu u arko muslimiinta qof jirkiisa oo kale, loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay isku duubmaan oo ay u gurmadaan walaalahooda dhibban.

Gobollo badan oo dalka ka mid ah waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana dadka tani usii dheer Wabigii Shabelle oo guray iyo biyo la’aan baahsan oo jirta.

Goobjoog News