U bood dhigaalka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Muqdisho Kusoo Gabagabeysay Shir, Iyadoo Qodobo Lagu Ansixiyay

Sheeko:Amniga

Kulankii 11aad ee Hay’adda Maamulka (Board of Directors) ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa lagu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay arimo muhiim u ah hormarinta Isgaarsiinta iyo deyn cafinta dalka. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda, Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa goobjoog ka ahaa xiritaanka kulanka.

Inta uu kulanka socday, xubnaha Hay’adda Maamulka ayaa ku ansixiyay qoraallo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

???????????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????? ???????? ???????? ????????????????????????????????????
1. Xeer Nidaamiyaha Hirarka Dalka (Spectrum Regulation)
2. Qiimaha Isticmaalka Hirarka Dalka (Spectrum Fees)
3. Shuruudaha Ruqsadda Isticmaalka Hirarka Dalka (Spectrum License Terms and Conditions)
4. Qorshaha Meeleynta Hirarka Raadiyaha ee shabakadaha Isgaarsiinta (Radio Spectrum Assignment Plan for Mobile and Fixed Communication Networks)

???????????????????????????????????????????????????? ???????????????? ???????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????? ???????? ????????????????????????????????????
5. Xeer Nidaaminta Isku Xirka Shabakadaha Isgaarsiinta (Interconnection Regulation).
6. Nidaamka Diiwaangelinta Heshiiska Isku Xirka Shabakadaha Isgaarsiinta (Interconnection Agreement Registration Process)
7. Habraaca Isku Xirka Shabakadaha Isgaarsiinta (Interconnection Procedure)
8. Yabooha Tixraaca Isku Xirka Shabakadaha (Reference Interconnection Offer)

Wasiirka ayaa sheegay in ay guulweyn usoo hoyatay dalka, taasi oo ah inuu jaangooyo qiimaha isticmaalka hirarka. Sidoo kale wuxuu carabaabay inay muhim u tahay shacabka Soomaaliyeed inay helaan shabakado isku xiran oo dalka uu yeesho, taasi oo fududeynaysa inay dadka Soomaaliyeed eheladooda wici karaan iyagoo heysta shirkado kala duwan.

Goobjoog News