U bood dhigaalka

Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Dowladda Soomaaliya oo Heshiis Maaliyadeed Wada Gaaray

Sheeko:Amniga

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF iyo dowladda federalka Soomaaliya ayaa heshiis gaaray, kaas oo dowladda Soomaaliya lagu siinayo lacag 10 Million  oo Dollar ah, madaxa IMF Laura Jaramillo ayaa sheegtay in heshiiskan uu yimid ka dib markii ay si toos ah dib u eegis ugu sameeyeen howlaha daynta cafinta Soomaaliya.

“Haddii Soomaaliya ay sii waddo horumarka joogtada ah ee ku aaddan dib-u-habaynta, waxa ay gaari kartaa heer gabagabo ah hannaanka cafinta daynta cafinta caalamiga ah,” ayay tiri Jaramillo oo ka hadlaysay heshiska cusub lacageed ee lasiiyay dowladda federalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasraaradda maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay warbixintii ugu dambaysay ee ay hay’adda lacagta Adduunka IMF kasoo saartay hannaanka dib u eegista 4-aad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ay aad usoo dhoweynayaan.

“Waxa aan ku faraxsanahay Warbixinta ay soo saartay hey’adda Lacagta Adduunka IMF ee ka hadlaya natiijida wanaagsan ee ka soo baxday hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) ,Shirarkaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC, ayuu yiri Wasiirku.

Warbixintan ayuu sheegay Wasiirku in ay muujinayso dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha, iyada oo la marayo xilli adag oo uu dalku ku jiro kasoo kabashada abaaraha iyo cunno yarida, xilligaan ay wajahayaan Malaayiin Soomaali ah..

Wasiir Dr; Cilmi Maxamed Nuur maaliyadda ayaa sheegay inay dowladdu ka go’an tahay in ay laba-laabto dedaallada iyo dib u habeynta lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda, si loo gaaro barta kama dambeysta ah ee deyn-cafinta, kaas oo soo socday muddooyinkii dambe.

Goobjoog News