U bood dhigaalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Oo Sheegtay In Abaaraha Dalka Ka Jira Ay Yihiin Musiibo Qaran

Hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegtay in abaaraha baahsan ee dalka ka jira ay yihiin kuwo heer Musiibo qaran ah una baahan in degdeg wax looga qabto.

Guddoomiyaha Hay’adaasi Cabdullaahi Maxamed Jimcaale oo habeenkii xalay ahaa ka qeybgalayey Barnaamij gaar ah oo Goobjoog News kaga hadleysay abaarta dalka ka jirta ayaa sheegay in dhibaatada hadda dalka ka jira ay tahay tii ugu darneyd muddo sanado hadda laga joogo.

“Runtii waa heer musiibo qaran ah abaaraha ka taagan dalka intiisa badan, gaar ahaan abaarihii waqti hore helay gobollada Waqooyi bari iyo Waqooyi galbeed oo xoogaa gurmad ah loo sameeyay iyo kuwa ka taagan gobollada Koonfureed gaar ahaan Wabigii uu biyo beelay, runtii waa taariikh aad u fog in wabiga sidaan uu noqdo, dad badan oo Tuulooyinka ah aysan lahayn ceelal oo ay ku tiirsanaayeen wabiga ayna sabatay taasi in ay dad badan barakacaan, sidoo  kale biyihii yaraa ee isugu yimid meelaha ay sababeen cudurro kala duwan, barakacayaasha qaar ay Xamar yimaadeen oo aysan haysan hoy iyo nolol wanaagsan, waana xaalad soo noqnoqtay, Seddax bil kahor waxaan ka digeynay Fatahaad iyo biyo badan, hadana Seddax bil kadib in sidaan ay noqoto waa arrin u baahan in xal degdeg ah loo helo, dhibaatada Soomaaliya haysata waxay u badan tahay Biyo yari iyo biyo badnaan, hadii biyahii bataan waxay sameynayaa fatahaad hadii ay yaraadaanna waa sidaan” ayuu yiri Gudoomiye Cabdullaahi Maxamed.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in mar walbo ay abaartu dhici jirtay, balse ay kala daran yihiin, waxa uu tusaale usoo qaatay abaar dhacday sanadkii 1974, balse dowladdii xilligaasi jirtay ay dadkii kasoo rartay deegaannadoodii xalkana lagu gaaray bilo gudahooda.

“Dalkaan waxa uu u badan yahay Biyo yari iyo kuleel badan, Abaartii Dabadheer ee ka dhacday gobollada dhexe iyo kuwa Waqooyi bilo gudaheeda ayaa dadkii lagu xalliyay oo waa lasoo raray, waxa hadda dhibka soo dedejianaya waa daciifnimada dowladda, wax qabad la’aanta jirta, hay’adihii samafalka oo aynu isku haleynayo oo leenahay waxbay sameynayaan oo aanay waxba qabaneyn, arrinta biyo la’aanta iyo biyo badintana waa wax la xallin karo, hadii ay bataan hadii meel lagu keydiyo markii ay yaraadaanna lasoo celiyo wey ka fududaan lahayd” ayuu yiri gudoomiyaha.

Gobollo badan oo dalka ka mid ah waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana dadka tani usii dheer Wabigii Shabelle oo guray iyo biyo la’aan baahsan oo jirta.

Goobjoog News