U bood dhigaalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Oo Ka Hadashay Qaabka Looga Bixi Karo Baahida Dalka Ka Jirta

Sheeko:Dalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka ayaa sheegtay in baahida ka jirta Soomaaliya looga bixi karo si fudu maadaama dalkeennu yahay mid hodon ah.

Maxamuud Sheekh Xasan oo ah madaxa Kormeenka Hay’adaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in sahlan tahay in laga baxo baahida ka jirta Soomaaliya isaga oo sheegay in ay tahay baahida dalka ka taagan mid dabiici ah oo soo noq noqotay.

“Baahida ka jirta Soomaaliya waa mid dabiici ah oo soo noqnoqotay ka bixisteeduna sahlan tahay, Soomaaliya waa dal Hodon ah, dhul beereed leh, kheyraad badeed leh, xoolo nool leh, Soomaaliya waxay u baahan tahay maamulka hufan oo istiraatiijiyad bulshada u sameeya ayeey u baahan tahay, Soomaalida oo dhan hadii kulligood la’isku keeno dal iyo dibad waxaa ku filan Labada Wabi inta dhex marta, waa dhul kheyraadkiisu badan yahay bad iyo Barriba, waxay u baahan tahay oo kaliya in loo sameeyo Istaraatiijiyad rasmi ah”

Waxaynu wax ka weydiinnay Maxamuud Sheekh Xasan waxa ay ku qiyaasi karaan baahida iyo biyo la’aanta dalka ka jirta, waxaana uu sheegay in ay tahay baahi muuqata oo aan la xaqiri karin.

“Baahida Soomaaliya ka jirta hadda waa mid muuqata oo aan la xaqiri karin, markaan tusaale usoo qaato dadkii xilligii abaartii saameysay ayaan weli kasoo kabsan iyagoo ay kusoo darsoomayaan kuwii ay barakaca ku sameeyeen fatahaadihii Wabiga, iyadoo ay sare u kac kusii sameynayaan colaadaha sii soconaya, baahidu waa mid muuqata oo hadda ah midda aadka ugu lixaadda leh, qodobka aan aadka u tixgelinayo ayaa ah sida looga bixi karo, waxayna u baahan tahay qorshaha aan hadda kuu sheegay, hadii aad i dhahdayna rajada la qabo ka bixisteeda waxaan ku leeyahay Soomaaliya waa wadan qani ah oo xoolo barri iyo badba haysta taasna waa rajada kaliya ee looga bixi karo” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Xasan.

Dhulka Soomaaliya waxaa ka buuxa kheyraad badan bad iyo barriba, hase ahaatee weli ma muuqato tallaabooyin looga faa’ideysanayo kheyraadkaasi.

Goobjoog News