U bood dhigaalka

Hay’adda Musiibooyinka Qaranka Oo Ka Qeylo Dhaamisay Abaaraha Ka Jira Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hay’adda Mareynta musiibooyinka Qaranka ayaa ka digeysa saameynta aan wanaagsanayn oo ay abaaraha sanadkani ku yeelan karaan dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada Koonfureed, kuwa dhexe, Bari iyo waqooyiba.

Iyadoo ay jiraan abaarro xooggan  oo ka jira Gobollada Dalka intooda badan islamarkaana ay saameeyeen noloshada dadka iyo duunyada ayaa illaa iyo hadda waxaan jirin gurmad rasmi ah oo ay dadkaasi heleen.

Madaxa kormeerka Hay’addaasi Maxamuud Sheekh Xasan  ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda beni’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya gobollo ka tirsan.

“Hay’adda masiibooyinka qaranka waxay ka digeysaa dhibaatooyin ka dhasha abaaraha ka jira gobollada Soomaaliya waxaana runtii aan ka walwalsannahay xaaladda beni’aadnaimo oo haddii aan laga jawaabin ay ka dhalan karaan dhibaatooyin aad u fool xun” ayuu yiri Maxamed Sheekh Xasan.

Gobollada ay ka jiraan abaaraha xooggan ee Soomaaliya ayaa dadka iyo duunyada baahida ugu badan oo ay qabaan waxay tahay biyo la’aan iyo baad la’aan heysata oo gobollada qaar xooluhu ay harraad u dhimanayaan.

Waxaa kaloo madaxa kormeerka hay’adda musiibooyinka Soomaaliya uu sheegay in lagu mashquulay howlaha doorashada oo dowladdu ay ku sii jeeddo doorashada iyo howlaheeda taasna ay keentay in xoog loo heli waayo wax u qabashada shacabka ay kulaaleyso abaarta iyo xoolahooda.

Meelaha qaar ayaa la soo sheegayaa haddii dadka iyo duunyada ku nool aysan helin gurmad degdeg ah in loo dhiman karo harraad iyo gaajo kadib markii la waayay xilli roobaadka.

Goobjoog News