U bood dhigaalka

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Oo Maanta Soo Bandhigtay Xasan Xanafi Xaaji oo Ku Eedeysan Dilka Wariyeyaal Dhowr Ah (Dhageysi Iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay kusoo bandhigtay Xasan Xanafi Xaaji oo mar kasoo shaqeeyay Idaacadda Qur’aanka Kariimka (IQK) kaa oo dowladda ku eedeysay in uu ka dambeeyay dilalka saxafiyiin dhowr ah oo magaalada Muqdisho ka dhacay.

Xasan Xanafi ayaa ciidamada sirdoonka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya waxa ay kasoo qabteen xuduuda Soomaaliya, waxaana gacanta ku haysay dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa Xasan Xanafi kusoo wareejisay dowladda Soomaaliya, waxaana hadda lagu wadaan baaritaano ku aadan eedeymaha loo haysto.

Maxamed Yuusuf oo ah Afhayeenka wasaaradda Amniga ayaa sheegay in Xasan Xanafi Xaaji la baarayo ka dibna cadaaladda la hor keeni doono.

“Waxaa maanta ciidamada Amniga gaar ahaan hay’adda sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed ay soo bandhigtay mid ka mid ah masiibooyinkii dalka soo maray, oo wariyaal badan inuu dhagaray ama uu wax ka maleegay dilkooda lagu tuhunsan yahay oo loo haysto, ninkaa oo lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji oo aad ogtihiin in Hay’adaha sirdoonka Soomaaliyeed ay ka qabteen xuduudka u dhaxeeya dalkeena iyo dalka Kenya, isaga kusii baxsanaya oo rabo inuu galo dalka Kenya, ayaa waxaa ka war helay sirdoonka Soomaaiyeed, sidaas ayaana lagu soo gacan geliyay, waxaana maanta uu ku xiran yahay magaalada Muqdisho oo ku dhawaad Isbuuc lagu haayo, halkaasi su’aalo lagu weydiinayo ka dibna la geyn doono maxkamad cadaaladeed ayuu yiri Afhayeen Maxamed Yuusuf.

Xasan Xanafi ayaa sidoo lagu eedeeyay in uu hantadaad u geysan jiray wariyaasha, sidoo kalena uu ka mid ahaa xubnaha Al-shabaab u qaabilsan dhanka Warbaahinta.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

???????????????????????????????

???????????????????????????????

 

 

Goobjoog News