U bood dhigaalka

Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacyaasha Qaranka Ayaa Sheegtay In Shaqo Abuur Loo Sameynayo Dhallinyarada Ka Soo Laabtay Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Kulan u dhaxeeyay Mas’uuliyiinta ugu sarreeya hay’adda qaxootiga iyo barakacyaasha qaranka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa hogaaminayey Axmed Daahir oo ah guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacyaasha qaranka waxaana kulanka lala yeeshay dhallinyarada aqoonyahannada ah ee ka soo laabtay dalka Kenya gaar ahaan xeryaha Dhadhaab.

Mas’uuliyiinta barakacyaasha qaranka iyo hay’adda qaxootiga aduunka ayaa sheegay in kulankaan ay uga arrinsanayaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyaradan maadaama ay aqoon leeyihiin.

Axmed Daahir guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacyaasha qaranka ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyaradaan.

“Waxaa suurto gal ah haddii horumarka aan rabno sii socdo oo muddo la sii joogo Dhadhaab inay ku xirmi doonto 2-3 ka dib iska xiranto oo dadkeedana uu soo wado noqdo, waxaan u sameyn doonaa dhallinyarada ka soo laabata xeryaha shaqo abuur”.

Labaatan kun oo qaxooti ah lagana soo celiyey xeryaha Dhadhaab ayaa barakac ku ah Soomaaliya sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga iyo barakacyaasha qaranka.

Goobjoog News