Wararka Dalka

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Oo Lagu Sameynayo Isbedel

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sheegtay in ay waddo wadatashi ay la sameyneyso Dowlad-goboleedyada ka jira dalka ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa jira Isbadal ay waddo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha kaasi oo ku aadan in Isbedel buuxa lagu sameeyo hay’adda, iyada oo sheegtay in la ilaalin doono dabagallna lagu sameyn doono Safarrada Sharci darrada ah.

Cabdullaahi Xaaji Bashiir oo ah Agaasime ku xigeenka Laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa sheegay in isbedel iyo dib u habeyn lagu sameyn doono hay’adda.

“Waxaan ilaalin doonnaa Safarrada Shaci darrada ah iyo kuwa ka shaqeeya waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kale waxaan dabagal ku sameyn doonnaa kuwa ka ganacsada dadka”.

Sharciga Socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa la sameeyay sanadkii 1966, mana jirin isbedel lagu sameeyay tan iyo mudadaas.

Goobjoog News  

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close