U bood dhigaalka

Hay’adda Socdalka Oo Lagu Amray In Dalka Aanu Ka Bixin Taliyaha Ciidanka Badda

Sheeko:Amniga

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka amniga xukuumadda federaalka ayaa lagu sheegay in aanu dalka ka safri karin taliyaha ciidamada badda Soomaaliya General Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Cabdullahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga ayaa lagu faray Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Taliyaha booliiska garoonka diyaaradaha Muqdisho in laga hortago qorsho dalka la sheegay in uu kaga bixi rabo general Dirir.

Sarkaalkaan ayaa lagu eedeyay in uu gaf iyo eedeyn waxba kama jiraan ah u geeystay madax ka tirsan xukuumadda federaalka.