U bood dhigaalka

Hay’adda UNHCR Oo Xaqiijisay Geerida In Ka Badan 500 oo Tahriibayaal Ah

Sheeko:Dalka

In ka badan 500 oo Tahriibayaal ah ayaa ku maashooday badda  Mediterranean kadib markii uu quusay markab rarka laga badiyay, sidaa waxaa arbacadii sheegtay hay’adda qaxootiga ee  UNHCR.

Hey’adda waxaa ay sidoo kale sheegtay in dadka  dhacdadaas ka badbaaday ay gaarayaan illaa 37 rag ah, 3 haween ah iyo wiil 3 sano jir ah, dadkan ayaa laga badbaadiyay badda, lana geeyay Giriigga bishan 16-keeda.

Dadkan badbaaday ayaa ku jiray 100-200 oo saarnaa doon ka timid Libya, kadibna loo sheegay in ay ku biiraan doon kale tiiyoo keentay in doontii kale ay qalibmato.

Kooxdan la badbaadiyay waxaa ay badda ku jireen sida ay UNHCR sheegeyso illaa 3 maalmood, waxayna isugu jiraan 23 Soomaali ah, 11 Itoobiyaan ah, 6 Masaari ah iyo hal qof oo Suudaani ah.

Goobjoog News ayaa ahayd warbaahintii ugu horreysay ee wareysata qof ka badbaaday doontii rogmatay (Halkaan ka akhriso).

Goobjoog News