U bood dhigaalka

Hay’adda World Vision oo Qalab Looga Hortago COVID-19 Ku Wareejisay Puntland

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka Dawlada Goboleedka Puntland ayaa maanta hay’adda World Vision kala wareegtay qalab loogu talagalay ka hortaga cudurka safmarka ah Covid19, iyadoo deegaannada maamulkaasi uu ka jiro xanuunka.

Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ay weheliyaan qaar kamid ah agaasimayaasha waaxyaha ayaa kala wareegay qalabka, waxaana agaasimaha uu uga mahadceliyay hay’adda World Vision qalabkaan isaga oo intaas ku daray in waqtigii loo baahnaa ee ay maanta u keeneen.

Qalabka maanta la wareejiyay wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka ayaa ka koobanaa  Gloves Mask, Faceshields iyo qalabka nadaafada xarumaha baaritaanka iyo karantiilka, qalabkaan ayaa loogu talagalay in looga faa’iidaysto sidii xanuunka la iskaga ilaalin lahaa loona xakameyn inuusan ku dhex faafin bulshada dhexdeeda.

Goobjoog News