U bood dhigaalka

Hay’adda Xuquuqda Aadanah HRW: Madaxweyne Xasan Dib U Eegis Haku Sameeyo Baaritaanka Xasuuqqii Deegaanka Golaleey

Sheeko:Amniga

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Humar Right Watch ayaa markale warbixin ka soo saartay dil laba sano ka hor deegaanka Golaleey loogu gaystay shaqaalo caafimaad.

HRW ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay in uu dib u furo baaritaanada shaqaalaha lagu dilay deegaanka golaleey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay xasuuq lagu xasuuqay 8 ka mid ah shaqaale caafimaadka oo ka howlgalayay tuulada Golaley ee katirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, ” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda HRW.

Hoos ka akhriso warbixinta hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch 

Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay xasuuq lagu xasuuqay 8 ka mid ah shaqaale caafimaadka oo ka howlgalayay tuulada Golaley ee katirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Hay’adda udooda xuquuqda Aadanaha ee HRW ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in baaritaannadii lagu sameeyay dilkan iyo kuwa kale oo dambeeyay oo dhacay sannadihii ugu dambeeyay aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday inuu mudnaanta koowaad siinayo dib u habeynta sharciga iyo garsoorka.

Human Rights Watch waxay ugu baaqday madaxweynaha inuu ballanqaadkiisa ka bilaabo in uu amar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanada wali la sugayo ee ku saabsan xasuuqii xirladlayaashii caafimaad ee lagu xasuuqay Gololey.

Maajo 27, 2020, rag wejiyada soo duubtay oo afar kamid ah ay wateen dareeska ciidanka dawladda, ayaa toddobo shaqaale caafimaad ah ka afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’ad aan dowli ahayn.

28-kii May, ayaa shaqaalahan meydadkooda laga helay meel ka baxsan tuulada Golaley, iyagoo ay jirkooda ka muuqatay rasaas aan loo Aabbe yeelin.

Goobjoog News