U bood dhigaalka

Heerka Nolosha Ee Magaala Muqdisho Oo Sare u Kacday

Sheeko:Dalka

Heerka nololeed ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid ka duwan sanadihii hore iyadoo saamayn ku yeelatay dadka danta yar.

Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa sara u sii kacaya  qiimaha Maciishada quutul daruuriga iyo sidoo kale adeegyada kale ee suuqyada lagu kala iibsado.

Waxaa si aad ah  isu soo taraayey adkaanshiyaha Heerka Nololeed ee dadka danta yar, kuwaas oo ku nool xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dadkaas ayaa ka walaacsan sicirbarar kororka maciishada ku yimid sanadihii u danbeeyey iyo sida oo kale qiima dhaca ku imanaaya lacagta shilinka Soomaaliga ah ee ay helaan.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay nolosha dadka muruq maalka ah oo maalintii lacagta ay soo helaan aysan ku iibsan karin ugu yaraan hal wakhti oo ay wax ku cunaan.

Haddaba warbixintan ayaan ku eegi doonaa isku dheeli tirnaan la’aanta nolosha magaalada saamaynta ay ku yeelatay dadka maalintii ay soo gasho lacag aan ka badnayn 20 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Waxaan la kulmay hooyooyinka garab raratada ah oo iiga sheekeeyay noloshooda iyo sida ay wax ugu iibsadaan lacagta yare ee maalintii soo gasha.

Xamdi C/raxmaan Sheikh waa hooyo sideed carruur agoon ah  haysata waxaa ay muddo shan sano ah ka shaqeysaa guryaha waxaana aan wax ka waydiiyay sida ay noloshooda u maareeyaan.

Maano Cabdulaahi Axmed muddo todoba sana ah ma aysan shaqayn haseyeeshee waxaa bedelay wiilkeeda oo ka shaqeeya caseeyanimada.

Maano ayaa ii sheegtay in ay naafowday iyada oo ilmaheeda u shaqaynaysa kadib qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho iyada iyo koox haween ah.

Xasan Xuseen Xasan waa 12 jir ugu weyn carruurta hooyo Maano waxa uu maalintii soo dhiciyaa lacagta ay wax ku iibsadaan qoyskiisa oo aan ka badnayn 20 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Waxaa jira qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool Muqdisho o aan waxba u arkin kor ukaca maciishada kuwaas oo ay u goyso lacagta ay helaan.

Ma jirto dabaqad ay kala leeyihiin dadka wax haysta iyo kuwa danta yar, hase ahaatee waxaa dadku ay si isku mid ah ay u iibsadaan maciishada suuqa taala.