Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa Qoraal kasoo saaray talo soo jeedin ku socta baarlamaanka federaalka oo lagu boorinayo inuu dib u saxo go’aannadii Madasha Hoggaanka qaran ee doorashada 2016.
Machadku waxa uu xusay in habraaca doorasho ee ay soo saareen madasha hoggaanka qaran ee muujineysa qorshaha 2016-ka ee soo xulista doorashda.
“ma ah mid horrumarinaysa hirgelinta hannaan dimoqraadi ah waliba qaar ka mid ah qodobada qorshaha lasoo jeediyey waxaa ay aad u cabburinayaan rajada laga qabay in la helo hannaan xulid ama doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Machadka Heritage.
Riix halkaa si aad u akhrisato talo soo jeedinta oo dhameystiran.
Goobjoog News