U bood dhigaalka

 Heritage oo Ku Talisay In La Kala Diro Guddiga Doorashada, Lana Dhiso Guddiyo Ka Madaxbannaan DF iyo DG

Sheeko:Amniga

Hey’adda maxaliga ah ee ka faaloota siyaasadda ee Heritage ayaa faallo ay soo saartay waxaa ay uga digtay ku adkeysiga guddiyada magacaaban ee doorashooyinka labada heer ee federaalka ah iyo kuwa xalinta khilaafaadka.

Hey’adda ayaa ku dheeraatay awood sheegadka, musuqa laga cabsi qabo iyo arrimo kale iyada oo soojeedisay talooyin badan.

Hey’adda ayaa qoraalkeeda qeybta guddiga doorashooyinka ku tiri“Guddiga la yiri doorasho ayay qabanayaan waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisul Wasaaraha, saraakiil xafiisyada madaxda dowlad goboleedyada, diblomaasiyiin, saraakiil amni iyo shaqaale dowladeed. Magacaabistaasi waxa ay ka hor imaanaysaa heshiiskii bishii September ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu doorashada ka galeen, kaas oo tilmaamayey in dhinac kastaa uu magacaabi doono xubno dhexdhexaad ah oo dadka Soomaaliyeed kalsooni ku qabi karaan. Dadka hadda guddiyaasha doorashada loo magacaabay ma ahan oo kaliya inay yihiin dad madaxda kala duwan ku kala xiran, balse waa dad guddiyadaas loogu daray oo kaliya inay ka shaqeeyaan maslaxadda madaxda magacaabatay ee heer federal ama heer dowlad goboleed.”.

Hey’addan waxaa dood ka keentay qarashka laga qaadayo xildhibaannada “Markaad eegto kharashka lagu xiray musharixiinta labada aqal ee baarlamaanka, waxaa laga doonayaa qofkii u tartamaya Aqalka Sare lacag dhan 20 kun oo dollar, halka qofka u sharraxan Golaha Shacabka lagu xiray 10 kun oo dollar, waana lacag ka badan boqolkiiba laba kun ama boqolkiiba kun dakhliga guud ee qofka Soomaaliyeed”.

Waa farriin ah in doorashada ay galin karaan oo kaliya ama waxaa xil siyaasadeed qaban kara oo kaliya inta kooban ee heli karta lacagtaas ama qofkii ay dad kale maal gashadaan. Inta badan dadka u tartami kara 329-ka kursi ee labada aqal, ma heli karaan lacagaha doorashada ku gadaaman, waxayna ku khasbanaan doonaan inay maalgashi raadsadaan, kuwaas oo maal-galintooda cod-siin ku baddalanaya. Si kale haddii loo yiraahdo, mulkiilayaasha siyaasadda dalka (inta lacagta siyaasadda u isticmaasha) waxay abuureen xaalad cidda doorasho xildhibaan geli karta iyo cidda mid madaxweyne geli kartaba ay iyaga hagaan (maaddaama ay lacag ku xiran tahay) ayna ka macashaan.

Markii xildhibaannadaas gobollada laga soo doortay ay Muqdisho soo gaaraan, si ay madaxweyne u doortaan, hankooda waxaa hagaya lacag ka uruursi musharrax kasta oo madaxweyne si ay u deyn baxaan, si ay Muqdisho u degaan iyaga oo dowlad u eg, ayna dhaqaale dhigaal ah u keydsadaan, si ay ugu baxsadaan afarta sano ee oomanaha ah ee ku soo fool leh. Waxaas oo dhammina waxay muujinayaan in musuqmaasuq. Sidaas oo ay tahay, musuqmaasuqu waa hal qayb oo ka mid ah khaladaadka doorashadaan ku gadaaman. Habkaan doorasho ee la qaatay waa mid ka dhar la’ isla xisaabtan, hufnaan iyo korjoogteyn lagu dhawrayo xornimada iyo xalaalnimada doorashada 2020-ka.

Dhanka, guddiga khilaafaadka ayey dhaheen “ Badanaa guddiga xallinta khilaafaadka ayaa ahaa mid wixii la isku qabsado loo bandhigo si uu waardiye uga ahaado boobka aan gabbaadka lahayn. Laakiin sidii guddiyada heer federal iyo heer maamul goboleed ay u noqdeen kuwa ku kala xiran madaxda labada heer dowladeed, ayaa guddiga khilaafaadka doorashaduna uu yahay mid laga soo buuxiyey shaqaalaha, saaxiibada iyo gacan-yarayaasha madaxda federaalka iyo kuwa gobollada. Maxkamadaha Muqdishana ma lahan awood iyo sumcad ay doorashada ku garsooraan, taasina waxay hannaanka doorashada oo dhan ka dhigaysaa mid u nugul musuqmaasuq iyo boob”.

Waxaa kale oo ay hadleen awoodda maamul gobol goboleedyada “Sidii 2016-kii oo kale, madaxda dowlad goboleedyada ayaa la siiyay awood xad-dhaaf ah, gaar ahaan xulidda Aqalka Sare. Tusaale ahaan, madaxda dowlad goboleedyada waxay u diidi karaan qofka aysan rabin inuu xitaa u tartamo Aqalka Sare. Xitaa haddii musharraxaasi soo dhammeystiray shuruudaha laga doonayo (diyaarna u yahay inuu ku khamaaro $20,000), si fudud ayaa looga hor istaagi karaa inuu tartamo. Dhaqanka waa mid kahor imaanaya dastuurka qabyada ah, kaas oo ilaalinaya xuquuqda muwaaddinku u leeyahay inuu isku sharroxo kuraasta dalka. Sidoo kale, dhaqankan wuxuu bar madow ku yahay hannaanka doorashada dalkeenna, waxayna dadka intooda badan ka rajo qabeen in tookadan laga saaro nidaamka doorashada”.

Ugu dambeyntii, talooyinkooda ayaa ah:

Dimoqraadiyaddu waa hannaan isku yaacsan, gaar ahaan marka lagu dabbaqo dalalka sida Soomaaliya oo kale u nugul. Si kastaba ha ahaatee, boobka kuraasta waa laga fogaan karaa si loo ilaaliyo sharcinimada iyo sumcadda dimoqraadiyaddeenna curdanka ah.

Waxaan soo jeedineynaa tallaabooyinkan, si loo gaaro hadafkaas: Kow, guddiyada FEIT, SEIT iyo xallinta khilaafaadka ee laga soo buuxiyey shaqaalaha iyo taageerayaasha madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedka, waa in la kala diro, laguna beddelo guddi ay ku jiraan shakhsiyaad sumcad ku dhex leh bulshada. Haddii madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada aysan awoodin inay magacaaban guddi dhexdhexaad ah, walba ha soo magacaabaan guddi ay iska arki karaan dhammaan saamileyda siyaasadda, oo ay mucaaradku ku jiraan. Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedku ma noqon karaan qaalliga iyo xeer beegtida doorashada soo socota.

Hannaan walba oo tartan xalaal ah laga rabana waa inuu ugu yaraan halbeeggaas yeeshaa. Labo, waxaan soo jeedineynaa in dowlad goboleed walba iyo Muqdisho laga sameeyo “Guddiga Hufnaanta”, lana siiyo awood ballaaran oo uu ku korjoogteeyo guud ahaan hannaanka doorashada. Waxay la shaqeyn karaan guddiyada FEIT iyo SEIT, si loo sugo xornimada iyo hufnaanta doorashada. Guddiga waa in la siiyo awood uu si qumaati ah u faragalin karo wixii isdaba marin ah, sida handadaadda, isdaba marsiinta xulidda ergada iyo dhinacyada kale ee doorashada. Guddigan waa inuu ka koobnaado dad miisaan ku dhex leh bulshada dowlad goboleed walba, gaar ahaan culimada, ganacsatada iyo dadka kale ee aadka loo tixgaliyo. Dad badan oo sifooyinkaas leh way buuxaan dalka oo dhan.

Talada: Kow, guddiyada FEIT, SEIT iyo xallinta khilaafaadka ee laga soo buuxiyey shaqaalaha iyo taageerayaasha madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedka, waa in la kala diro, laguna beddelo guddi ay ku jiraan shakhsiyaad sumcad ku dhex leh bulshada. Haddii madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada aysan awoodin inay magacaaban guddi dhexdhexaad ah, walba ha soo magacaabaan guddi ay iska arki karaan dhammaan saamileyda siyaasadda, oo ay mucaaradku ku jiraan. Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedku ma noqon karaan qaalliga iyo xeer beegtida doorashada soo socota. Hannaan walba oo tartan xalaal ah laga rabana waa inuu ugu yaraan halbeeggaas yeeshaa.

Labo, waxaan soo jeedineynaa in dowlad goboleed walba iyo Muqdisho laga sameeyo “Guddiga Hufnaanta”, lana siiyo awood ballaaran oo uu ku korjoogteeyo guud ahaan hannaanka doorashada. Waxay la shaqeyn karaan guddiyada FEIT iyo SEIT, si loo sugo xornimada iyo hufnaanta doorashada. Guddiga waa in la siiyo awood uu si qumaati ah u faragalin karo wixii isdaba marin ah, sida handadaadda, isdaba marsiinta xulidda ergada iyo dhinacyada kale ee doorashada. Guddigan waa inuu ka koobnaado dad miisaan ku dhex leh bulshada dowlad goboleed walba, gaar ahaan culimada, ganacsatada iyo dadka kale ee aadka loo tixgaliyo. Dad badan oo sifooyinkaas leh way buuxaan dalka oo dhan.

Saddex, madaxda dowlad goboleedyada waa inay ka waantoobaan inay muwaadiniinta u diidaan inay u tartamaan Aqalka Sare. Ma jirto sifo sharci ah oo muwaadin loogu diidi karo xaqiisa inuu kursi u tartamo. Dhaqankan waa mid aad u fool xun. Guddiga SEIT ee gobol walba waa in loo oggolaado inuu qaban karo araajida muwaadiniinta oo dhan.

Afar, waa in la sameeyo guddi heer federaal ah oo xalliya khilaafaadka, iyadoo la ogsoon yahay in doorashadni noqon doonto mid aad loogu muransan yahay. Xubnaha guddigan waa in lagu soo daro sharci yaqaanno (ay kamid ah yihiin khubarada shareecada) lagu yaqaanno hufnaantooda iyo xushmada ay bulshada ku dhex leeyihiin. Shaqada guddigan waa inay noqotaa inay xalliyaan khilaafaadka doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa madaxweynaha. Waxaa muhiim in guddigan loo oggolaado inuu go’aan kama dambeys ah ka gaaro khilaafaadka, haddii la doonana uu ku celiyo doorashada. Marka ay waajibkooda gutaan ayaa quman in xildhibaannadu doortaan hoggaankooda iyo madaxweynaha dalka.

Shan, xubnaha hey’adaha amniga, shaqaalaha rayidka ah (oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta) iyo shaqaalaha madaxda federaalka kuwa goboleedka waa in laga mamnuuco inay guddiyadaas ku biiraan. Tallaabadani ma ahan oo kaliya mid maangal ah, balse waxay ku caddahay sharciga doorashada baarlamaanku ansixiyey horraantii sannadkan, madaxweynuhuna saxiixay.

Lix, beesha caalamku ma ahan in la isticmaalo oo ay dhaqaale ku kabaan hannaankan aadka u musuqmaasuqan. Tani waxay meel ka dhac ku tahay canshuur bixiyayaashooda, waxayna gef ku tahay shacabka Soomaaliyeed.

Todoba, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey waa in ay ogaadaan doorasho la boobo inay Soomaaliya u horseedi karto colaad ayna dib u celin karto xasiloonida bilowga ah ee labaatanka sano la soo unkayey. Haddaba, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa ilaalinta nabadda adduunka isla markaana garowsanaya mabda’a caalamiga ah ee waajib ahaanta u arka u gargaaridda inta nugul ee masuuliyiintoodu gabto, waa in ay Golaha Amnigu ka dalbaan siyaasiyiinta Soomaalida in ay dhaqan geliyaan doorasho hufan, xor oo xalaal ah.

Haddii tallaabooyinkaas la wada qaado, waxaa hubaal ah inay xoojin doonaan hufnaanta doorashooyinka, isla markaana horseedi doonaan natiijo la wada oggol yahay.

Goobjoog News