U bood dhigaalka

Heshiis Ay Wada Gaareen Hogaanka Maamulka Jubbaland Iyo Siyaasiyiinta Beel Degta Gobollada Jubbaland

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose waxaa lagu soo gabagabeeyay shir Labo weji ah oo halkaasi uga soconayey hogaanka sare ee maamulka Jubbaland iyo sidoo kale siyaasiyiinta beel degta gobolladaasi.

Shirkani waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 14 qodob, waxaana madasha shirkan lagu soo xirayey ku suganaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wasiirka difaaca Xukuumadda Federaalka C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu leeyahay heshiiskan iyo sidoo kale cid walbo oo Jubbaland ah waajibka ka saaran difaaca, dib u dhiska gobollada Jubbaland.

War-murtiyeedka hoos ka akhriso

Jubbaland 1 Jubbaland 2

 

Goobjoog News