U bood dhigaalka

Heshiis La Dhex Dhigay Beelo Ku Dagaalamay Gobalka Mudug

Sheeko:Amniga

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka General CabdiCasiis Cabdilaahi Cabdi Qooje ayaa  sheegay in lagu guulestay heshiis hordhac ah oo  la  dhax dhigay beelo  ku dagaalamay deegaanka Laas-Gacameey oo 15-Km u jira Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Taliyaha  ayaa sheegay inay si buuxda ugu guuleysteen in la xaliyo colaadii ka taagneyd degaanka Laas-Gacameey, islamarkaana go’aan lagu gaaray in ciddii  heshiiska baal marta tilaabo laga qaadi doono.

Kulanka heshiisiinta oo socday muddo Lix cisho ah, isla markaana ay ka qeybgaleen odayaasha dhaqanka iyo madaxda taliska qeybta 21-aad ee  ciidanka xoogga dalka ,waxaa lagu  go’aamiyay  in laga gudbo muranadii jiray ku waasi oo ragaadinaya nabadda iyo horumarka degaanka  iyo howlgalada ciidamadu ay ku doonaayeen  inay ku wajahaan deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan gobolka Mudug.

Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa inta badan waxa ku soo laablaabta dagaal beeleedyada dhexmara beellaha walaalaha ah ee halkaasi wada dega.

Goobjoog News