U bood dhigaalka

Heshiis La Kala Dhex-dhigay Beello Ku Dagaallamay Ceel Afweyn

Sheeko:Amniga

Degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey shir dib u heshiisiin ah kaasi oo u socday beello ku dagaallamay halkaasi.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay waxgarad Labada dhinac ah, culimo iyo madax ka tirsan maamulka Somaliland oo iyaguna kor joog ka ahaa shirkaasi.

Waxaa lasoo saaray go’aanno cusub oo lagu heshiisiiyey beelahan, sidoo kalena waxaa la isla gartay in la dhaqangeliyo heshiisyo hore oo Labadan beel wada gaareen.

Waxyaabaha la isku fahmay waxaa ka mid ah in mar dambe aan la sameyn wax walbo oo colaad dib u keeni kara.

Sanado badan ayeey colaaddan soo jiitameysay, waxaana ay salka ku haysa dhul daaqsin ku yaalla halkaasi oo beelahan isku fahmi waayeen.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News