Heshiis Laga Gaaray Beelo Waalalo Ah Oo Ku Dagaalamay Gobalka Bari

Maamulka Puntland ayaa kala dhex galay beelo walaalo ah oo dhawaan dagaal uu ku dhax maray deegaano ka tirsan gobalka bari ,

Guddi isuguu jira wasiiro ka tirsan maamulka madaxweeyne Deni  , siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday Gobalkaas.

Cabdisamad Maxamed Gallan  Wasiirka wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland ,wasiirka wasaaradda Hawlaha guud axmed bashiir muse, wasiru dawlaha Wasaarada arimaha gudaha Kulmiye, wasiirka wasaaradda tamarta iyo biyaha Taaraan , wasiir dawlaha Wasaaradda dakadaha Dhedo iyo odayaasha dhaqanka ayaa dhex dhexaadinta kadib waxa ay soo saareen Qodobadii ka soo baxay kulanka iyagoo Bulshada deeganada gobalka bari ugu baaqay in la ilaaliyo nabadda .

                              Hoos ka Akhriso Qodobada Heshiiska

1- In nabadda si dhamays tiran udhaqan galiyan labadi belood ee dirirtu dhexmartay.

2- In Maleeshiyad beledyadi so gurmaday dhamantod ay ku noqdaan deegaanadoodi iyo goryahoodi .

3- In magaalooyinka, Ceelasha, Dooxooyinka,dhulka daaqsinka iyo wadooyinkaba si nabdgalyo ah loogu wada noolaado.

4- in Dooxadi Shaqaaqadu ka bilabatay aysan tagi Karin dibna ugu noqan karin labadii beelood gacanta dowladana ay ku jirayso ila amar danbe.

5- In uu noqan doono shirka lagusoo afjarayo colaadan inta u udhaxaysa                      01/02/2021 – 10/02/2021Dowlduna dib kaso shegayao malintu shirkasi furmi doono iyo goobta lagu qabanayo insha allah.

6- Cidi dhaqan galin wayda go’aamada dowladda oo harer marta hishisyadi nabadda waxa laga qadaya talaabo ku haboon.

Sikastaba Isimada dhaqanka gobalka Bari iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan qodobada leeysku afgartay .

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW