U bood dhigaalka

Heshiis Laga Gaaray Dagaallo Ka Dhacay Deegaanka Gadoon Ee Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Waxaa heshiis laga gaaray dagaallo ku salaysnaa aano qabiil oo in muddo ah ka taagnaa Degaanka Gadoon ee ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Kadib wadahal socday maalmo ayaa waxaa lagu gaaray heshiis wanaagsan kaas oo soo afmeeraya dagaal beeledka halkaasi ka jiray .

Gudoomiyaha Degaanka Gadon Cabdikariin Maxamed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in guul aad u muhiim ah laga gaaray xiisadihii jiray, islamarkaana dadaalka heshiiskaasi ay qeyb ka qaateen qurbo joogta deegaankaasi.

Waxa uu tilmaamay in waxyaabaha lagu heshiiyay ay ka mid ahaayeen in mar kale aanu dhicin dagaallo sidaan oo kale ah, islamarkaana wax walba oo dhaca lagu xalliyo shareecada Islaamka.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaallada la xiriira aanooyinka qabiil ee ka dhacay deegaanka Gadoon ee Gobalka Galgaduud iyo deegaanno kale oo halkaasi ku dhow.

Goobjoog News