Heshiis Taariikhi Ah: Baarlamaanka Federaalka Ah 2-badiisa Aqal Oo Soo Afjaray Wada Shaqeyn La’aan 6 Bil

Kadib dhex-dhexaadin uu muddo socotay, ugu dambeyntii waxaa xalay heshiis taariikhi ah ku gaaray Muqdisho labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah oo muddo 6 bil aanu ka dhaxeyn wax wada shaqeyn ah. Waxaa arrintan si gaar ah mas’uuliyad isaga saaray guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee aqalka sare Abshir Axmed Maxamed iyo dhiggiisa aqalka hoose Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ .
Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo ugu horeyntii ka hadlay ayaa sheegay iney ka heshiiyeen wixii jiray isaga oo yiri “ Waxaan go’aansanay in wadashaqeyntii labada aqal ay bilaabato, oo wixii qaladaad ahaa ee jiray la saxo, shaqadii baarlamaankuna ay bilaabto oo aan dalka u shaqeyno”.
Dhankiisa, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay iney tahay arrin taariikhi ah, maadaama khilaafkii la xaliyey “Waxaa noo yaalo dastuur, waxaa noo yaalo sharciga doorashooyinka, shacabka Soomaaliyeed waxaa u sheegeynaa in laga bilaabyo caawa ay labada ay wada shaqeyn-doonaan, lana sameeyo si degdeg xeer hoosaad ay labada aqal leeyihiin”.
Goobjoog News
Xbqwmr agbtnb cialis 20mg cialis 5mg price
Ojunyo eeilus Approved cialis pharmacy generic cialis for sale
Emznyy uorupd cialis pills cialis