U bood dhigaalka

Heshiis Taariikhi Ah Oo Galmudug Iyo Puntlnad Ku Dhexmaray Muqdisho

Sheeko:Dalka

Heshiis taariikhi ah oo ay Goobjoog ka ahaayeen madaxda dowladda federaalka ugu sareysa sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’isul wasaare Cumar Cabdirashid ayaa maamullada Galmudug iyo Puntland lagu dhexdhigay caasimadda Muqdisho.

Heshiiskan oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa la sheegey in looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalo sababay dhimashada boqolaal iyo barakac in ka badan 60,000 oo ka dhacay magaalada Galkacyo iyo hareeraheeda.

Madaxweyaha Puntland Cabdiwelı Maxamed Calı Gaas oo goobta ka hadlay ayaa sheegay ın dhankooda ay heshııs dıyaar u yıhıın waxaana uu tılmaamay ın ganacsıga Galkacyo uu Saameyn weyn uu ku yeeshay dagaalka ka dhacay magaalada.

Madaxweynaha Puntland Gaas waxaa uu intaa raaciyay in sı loo adkeeyo go aankaan maanta la gaaray ın ay haboon tahay ın Cııdamo ısku dhaf ah la geeyo Galkacyo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug  Cabdikarim Guuleed ayaa munsaabadda heshiiska lagu gaarayey ka sheegay heshııskan uu ku dhaqan galı karo oo kelıya ın laga dhabeeyo cııdamada  kala qaadıdooda Ee Galkacyo.

Dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay In todobaadyada soo aadan la bılaabı doono kala qaadıda cııdamada sı magaaladu ay nabad u ahaato.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa dhowr jeer sanadkii tagay ku diriray magaalada xadka u ah ee Galkacyo, dagaalkaasi waxaa ku dhintay dad aad u tiro badan halka la sheegayo in lixdan kun ay barkaceen.

November, 01, 2016: Waxaa la soo saaray war saxaafadeed, Mas’uuliyiinta labada dowlad gobolleed Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis hordhac oo lagu soo afjarayo colaada Gaalkacyo ku gaaray magaalada Abu Dubai, waxaana hishiiskan goob joog ka ahaa madaxda dowlad gobolleedyada dalka.