U bood dhigaalka

Heshiisiinta beelo wada dagaalamay oo ka socota Kismaayo

Sheeko:War
Kismaayo
Kismaayo

Dadaalo lagu heshiisiinayo beelaha wada daga gobolada Jubbooyinka ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Cumar Buraale Axmed oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka wadaan dadaalada lagu doonayo dib u heshiisiinta beelaha wada daga gobolada Jubbooyinka oo uu sheegay in uu horay dagaal ugu dhex maray gobolada Jubbooyinka.

Siyaasiga oo ka mid ah guddi loo xil saaray dhex dhexaadinta beelahaasi ayaa sheegay in guddigu uu kulamo gaar gaar ah la qaatay odayaal kala matalaya qaar ka mid ah beelaha soomaaliyeed ee wada daga gobolada Jubbooyinka, kuwaasi oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin dib u heshiisiinta qabaa’ilkaasi.

Hoos ka dhageyso codka Cumar Buraale Axmed: