U bood dhigaalka

Heshiiska DP World iyo Somaliland Waa Mid Ka Hor Imaanaya Xeerarka Caalamiga Ah

Sheeko:Dalka

Dr. Axmed Cali Khayre oo PhD ka diyaariyay qaanuunka caalamiga ah ayaa  Goobjoog News u sheegay in heshiiska Imaaraadka ay la galeen Somaliland aanu sharci aheyn, isla markaana ay adag tahay in uu dhaqan galo.

Dr. Axmed waxaa uu qabaa in Imaaraadka ay meel uga dhaceen qawaaniinta caalamiga kadib markii ay heshiis la galeen gobol Soomaaliyeed isaga oo intaa raaciyay in federaalsim-ka Soomaaliya hadda u yaallo uu dhigayo in siyaasadda arrimaha dibadda ay ka mid tahay waxyaabaha ay xaqa u leedahay dowladda federaalka ah, inkastoo Somaliland aysan ogoleyj nidaamka Federaalismka.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre oo heshiiskan ka hadlayey ayaa ku tilmaamay mid sharci-darro ah isaga oo shirkadaha caalamiga ee maal-geshiga rabo u sheegay in ay soo maraan hey’daha arrintaasi u xil-saaran.

Hey’adaha Caalamiga Ah:

Somaliland, weli waa dhul iyo shacabka ka tirsan Soomaaliya, sida sharciyada caalamiga ah dhigayaan waa in dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah ay arrinkaasi tixgeliyaan.

Heshiiska DP World iyo Itoobiya la galeen Somaliland, waxaa la iska indho-tiray dhammaan xeerarkaas ay meel-mariyeen hey’adaha caalamiga ah sida: Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta

Qaramada Midoobey: Hey’addan maraka laga soo tago nabad ilaalinta iyo xallinta murannada waxaa ay ka hortagtaa wax walba oo keenni kara dagaal, waxaa kale oo xubnaha ururkan laga mamnuucay in ay ku xad-gudbaan dhulka dalalalka xubnaha ka ah

Dastuurka Midowga Afrika: Hadafka Loo Aasaasay midowga Afrika marka laga soo tago midnimada Afrikaanka iyo iskaashiga guud waxaa ka mid ahaa: ilaalinta qarannimda, madaxbannaanida iyo dhulka dowladaha xubnaha ka ah, in la ixtiraammo xadka ay dowladda xuriyadda ka dhaxleen, in dal aanu faragelin arrimaha gudaha dal kale iyo in wada noolaashiyo laga shaqeeyo

Dastuurka Jaamacadda: Mabaa’dida Jaamacadda carabta waxaa ugu muhiimsan in dalalka aaney faragelin isku sameyn, oo si ixtiraam iyo sinnaan ah ku wada shaqeeyaan.

Goobjoog News