Heshiiska Itoobiya Iyo Jabhado Hubeysan

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegayaa inay heshiis nabadeed la gaartay Laba garab oo ka mid ah Jabhadaha Oromada, si loo soo afjaro dhibaatada kooxaha hubeysan.
Heshiiska waxaa lala galay: Oromo Democratic Party (ODP) iyo Liberation Front (OLF) oo dhanka jabhada ah iyo Is-bahaysiga haya talada Dalka Itoobiya.
Milkesa Mideksa, oo ahaa wakiilka ODP iyo Dawud Ibsa, oo ah Guddoomiyaha OLF, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday in ay iska ilaalinayaan Dhiig dambe oo daata , horayna ay uga soconayaan wixii dhacay, dibna aan loo noqon doonin, iyagoo isku Af-gartay in la joojiyo falalka Gacan ka hadalka ah iyo rabshadaha Hubeysay ee dhowaanahan ka taagnaa qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya.
Kulanka ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban 71 xubnood oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan daba galka howlaha Hub ka dhigista, Qaramaynta Malleeshiyada Jabhadda OLF iyo dhammaystirka dhammaan qodobadii lagu heshiiyay.
Heshiiskan, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Oromiya, Oday dhaqameedyo, Culimaa’udiin kala duwan, aqoon yahanno, Dhalinyaro iyo wakiillo siyaasadeed.
Goobjoog News
Prix Viagra 50 Mg Pfizer Cheap Synthroid [url=http://elc4sa.com]buy viagra online[/url] Xenical Prix Discount
Ygvyoz qnixas cialis from india cialis super active
Suufhr fbczli Brand cialis price of cialis
Tkozqj whglgy Order viagra us cialis 10mg
Lgcqfe gkwqjw ed pills cialis generic best price
Eectid bgnuzw canadian online pharmacy Krxva