U bood dhigaalka

Heshiiska Kahor, Kuraasta Somaliland waa Rajada Keliya ee Farmaajo

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha golaha siyaasiyiinta Somaliland ahna guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo madasha Badbaado qaran Cabdi Xaashi ayaa ka xanaaqsan sida ra’iusl wasaare Maxamed Rooble iyo maamul goboleedyada u gacan bidxeeyeen iyaga oo 5 xubin ka siiyey 15 xubin oo Somaliland guddiyadeeda ah, taasi oo Mahdi Guuleed oo gacanta midi ee Farmaajo siineysa inuu maamulo doorashada kuraasta gobollada waqooyi.

Ilo ku dhow guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegaya in guddoomiyaha aan weli la qancin isla maraakana uu laali doono natiijada war-murtiyeedka Khamiista.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa rajo ka qaba kuraasta gobollada waqooyi ee doorashadoodu ka dhaceyso Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’isul wasaare Rooble uu qabo in Xaashi ku filan tahay 5-ta xubin ee la siiyey isaga oo uga digay in wixii dhaca oo arrimahan la xiriira uu dusha saran doono, taasi uu guddoomiye Xaashi u arkay goodis.

Goobjoog News