U bood dhigaalka

Hey’ad Turki Ah Oo Howlgelisay Dugsiga Sheekh Suufi Lix Sano Kadib

Sheeko:Dalka

Dugsiga sare ee Sheikh Suufi ayaa dib u bilaabay howlihiisa shaqo ka dib muddo 6 sano ah uu hakad ku jiray. Dib-u-howlgalinta Iskuulka aya waxaa gacan ka geystay hay’adda Diyaana oo laga leeyahay dalka Turkiga, waxa uuna hadda qaadanayaa arday ku dhow ilaa 500 oo arday.

Axmed Aktorad oo ah la-taliyahay hay’adda Diyaana ee Soomaaliya ayaa sheegay in ardayda ay badankood yihiin agoon, waxaa uuna tilmaamay in 270 arday ay College ahaan u dhintaan ayna ka bixin gudaha Iskuulka.

Axmed, waxa uu intaasi ku daray in biilka ardeyda ay bixiso hay’adda Diyaana oo Turkiga laga leeyahay iyo in ilaa iyo heer jaamacadeed ay hay’addaan ardeyda ka taageeri doonto dhanka wax barashada.

Iskuulka Sheikh Suufi oo la aas-aasay sanadkii 1960 ayaa shaqada joojiyey dagaalladii sokeeye owgeed.

Iskuulka ayaa waxaa lagu baraa ardeyda maadooyinka diinta iyo kuwa maadiga ah, waxayna ardeyda ay ka helaan adeegyada la xiriira caafimaadka.

Goobjoog News