U bood dhigaalka

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo tababar u soo xirtay macalimiinta iyo howl wadeenada Dugsiga indhoolayasha Al Nuur

Sheeko:Amniga

Tababarkan oo loogu tala galay in kor loogu qaado xirfadda iyo aqoonta ay macalimiinta iyo howl wadeenada dugsiga indhoolayaasha Alnur u leeyihiin u adeegista iyo waxbarista ardayda qabta baahida aragga ayaa manta lagu soo gaba gabeyay xarunta dugsiga oo ku yaala degaanka daarusalaam ee magalada Muqdisho.

Tababarkan oo socdo mudo shan cisho ayaa lagu baranayay farsamada dayactirka iyo cilad bixinta Type machines Brail oo ah Teeb dadka aragga la’ si fudud uga caawiya wax qorista, xirfadaas oo ay kawada faa`idaysteen barayaasha iyo howlwadeenada dugsiga.

Maamulaha dugsiga Al-nuur Cabdifatax Maxmed Dahir ayaa munaasabada lagu soo xirayay tababarkan ka sheegay in tababarkan uu yahay sanadle ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud hay’adeeda Hormuud Salaam Foundation iyo Dugsiga Alnur ay ugu tala galeen in lagu hormariyo aqoonta iyo Xirfadda macalimiinta iyo ardayda dugsiga, isga oo si wayn shirkadda Hormuud uga mahadceliyay garab istaaga iyo gacan ku heenta dugsiga in kabadan 10sano.

Proff. Bansali oo ah tababar aqoon sare u leh waxbarshada gaarka ah oo dalka Uganda uga yimid bixinta tababarkan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xirfadihiisa uu sanadkii 2aad uu la wadaago bahada dugsiga Alnur oo uu ku tilmaamay dugsi ay xirfadlayaal badan joogaan .

Cabdiraxmaan Ibrahin Cilmi oo ah guddoomiye ku xigeenka HSF Ayaa sheegay in shirkadda Hormuud ay ugu farxsan tahay in macalimiinta dugsiga ay kor u qadaan aqoontooda waxuuna kula dardaarmay in waxa ay barteen ay ardayda ku celiyaan

Macalimiinta ayaa sidoo kale inta uu tababarka socday ka faa`idaystay tababarro la xiriira noocyada sports ee loogu tala galay dadka aragga la iyo adeegsiga technology-da dadka aragga la` gaar ahaan Computar-ka taas oo macalimiintu ay ku tilmaameen fursad qaali ah, waxaana dugsi al nuur oo ka kooban qeybo badan oo loogu tala galay dadka baahiyaha gaar ah qaba ayaa waxaa gacanta ku haya hey’ada Hormuud Salaam Foundation oo bixisa dhamaan kharashaadka ku baxa.