U bood dhigaalka

Hey’adaha Ammaanka Oo Ka Warbixiyay Howl-gal Ka Socda Leego iyo Burhakaba

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dowlada Federaalka Somaaliya oo isku fidiyay saaka inta u dhaxeysa Leego iyo Burhakaba iyagaoo halkaasi ay doonayaan iney howlgalo ka sameeyaan.

Gudoomiyaha  Leego Maxamed Cabdi Xasan oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in ciidanka Dowladda Soomaaliya ay saakay waabarigii ay ku faafeen inta u dhaxeysa Leega iyo Buurhakaba waxa uuna yiri

“ Leego aad iyo aad ayaa howlgal uga socdaa waxaana loogu talo galay burcadda caadeysatay iney dhacaan dadka shacabka ah inta u dhaxeysa wadada iskaga goosha Leego iyo Buurhakabo”.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaan ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka wadaan inta u dhaxeysa Lego iyo Buurhakabo ay timid ka dib markii iyaga iyo kuwa Amisom ay kulan qaateen islamarkaana ay kulankaas qodobadii kasoo baxay ay qeyb ka ahaayeen in Burcadda laga sifeeyo wadada isku xirta Leego iyo Buurhakabo isagoo arrintaasi ka hadlaayo waxa uu yiri

“Kulankaasi waxaa ka soo baxay oo natiijo ah in ciidamada la habeeyo ka dibna ay roondo ay ku sameeyaan wadada ayna difaacaan maalsha shacabka oo la dhacaayo “

Gudoomiye M axamed Xsan ayaa waxa uu sheegay inta howlgalka ay  wadeen ineysan jirin cid ay ku soo qabteen holwgallada ay ka wadaan Leego iyo Buuhakabo.

Goobjoog News