U bood dhigaalka

Hey’adaha Amnesty International, CPJ iyo HRW oo Farmaajo Ugu Baaqay Inuu Wax Ka Bedalo Xeerka Saxaafadda

Sheeko:Amniga

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen hey’adaha Amnesty International, the Committee to Protect Journalists, iyo  Human Rights Watch, ayaa lagu sheegay walaaca ay ka qabaan sharciga dib u eegista lagu sameeyey ee xeerka saxaafadda, kaasi uu Farmaajo dhowaan saxiixay.

“Mar haddii la galayo doorasho waxaa ay dowladda iyo hey’adaheeda ugu baaqeen in la abuuro jawi ku haboon warfaafinta” ayaa ka mid ahaa qoraalka.

Waxaa kale oo 3-dan hey’ad ay walaac ka muujiyeen hadalkii Farmaajo ee 26-kii September ee uu Farmaajo ku yiri waxaa ja jira qaar ka tirsan saxafiyiinta oo la shaqeeya Al-shabaab, hadalkaasi oo sida ay hey’adaha sheegayaan khatar gelin kara weriyeyaasha oo awalba ku shaqeynayey xaalad adag.

Ugu dambeyntii, hey’adaha Amnesty International, the Committee to Protect Journalists, iyo  Human Rights Watch waxaa ay qoraalkooda ku sheegeen in xeerka saxaafadda laga helayo qodobo caqabad ku ah tabinta wararka, isla markaana dowladda awood siinaya si ay u xakameeyaan warfaafinta.

Goobjoog News