U bood dhigaalka

Hey’adda cunada adduunka WFP oo dhimeyso raashiinkii la siin jirey qaxootiga Soomaalida Kenya

Sheeko:Dalka

raashiinIllaa nus malyuun qof oo qaxooti ku ah dalka Kenya, kuwaasi oo badankooda kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa wixii barito ka biloowda waxaa wajahaysa cunto yari kadib markii barnaamijka cunada adduunka ee WFP ay boqolkiiban konton %50 dhintey garaamka raashiinkii ay qaadan jireen.

WFP waxa ay sheegtey in tani ay ugu wacantahay qarash yaraan iyo lacagihii loogu yaboohi jirey intii ay u baahneyd oo aysan helin, waxayna hey’adda awoodi weysey in ay hesho $38 malyuun oo lagu qeybin lahaa raashiinka lixda bilood ee soo socota.

Waxaa lacagtani qeyb ka ah $15.5 malyuun oo doolar oo si degdeg ah loogu baahanyahay bisha Janaayo sanadka 2015-ka.

“Cunto dhimista waa waxa ugu dambeeya oo aan samayno si aan isugu filneysiino raashiinka aan heysano tobonka todobaad ee soo socda, waxaanan sii wadaynaa baaqa aan beesha caalamka u direyno ee ah in naga caawiyaan in aan dadkaasi quudino” ayuu war saxaafadeed ku yiri Paul Turnbull oo ah agaasime ku xigeenka WFP ee Kenya.

Bil kasta WFP waxa ay xerooyinka qaxootiga ka qeybisaa raashiin gaaraya 9,700 oo tan, kaasi oo ku kacaya $10 malyuun oo doolar.

Raashiin dhimistani ayaa waxa ay imaanaysaa xili dowladda Kenya ay dooneyso in laga raro dalkaasi, laguna celiyo Soomaaliya.

Goobjoog News