U bood dhigaalka

Hey’adda ICAO Oo Soo Gabagabeysay Maamulka Hawada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hey’adda ICAO ee Qaramada Midoobay oo hadawada Soomaliya ka maamuleysay magaalada Nairobi ayaa maanta soo gabo-gabeysay maamulka hawada, waxaana la filayaa in Soomaaliya si rasmi ah ula wareego.

Arrintan ayaa waxaa ay imaneysaa kadib heshiis ay horey u kala saxiixdeen dowladda iyo qaramada midoobay iyo tababar fiican oo ay heleen shaqaalaha Soomaalida ee maamulka hawada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in hay’addo kale ay ka caawin doonaan maamulka hawada illaa laga tababarayo shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda dalka.

December 28, 2017 ayey dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada.

Goobjoog News