U bood dhigaalka

Hey’adda IMO oo Sheegtey in ay Qalabeyneyso Xafiisyada Laamaha Socdaalka Soomaaliya

Todobaadkan waxaa shir balaaran isugu yimid waftiyo ka kala socdey dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka Puntland, dowladda Norway iyo hey’adda socdaalka Adduunka ee IMO, shirkaasi ayaa waxaa looga hadlayay mashruuc 3 sano soconayo oo qarashkiisa ay bixisey dowladda Norway.

IOM ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtey in illaa hadda la qalabeeyey 11 xafiis oo dalka laga soo galo, kuwaasi oo isugu jira garoomo iyo xuduudo iyo dekedo, wuxuuna qalabka sahlayaa in la keydiyo xogta dadka dalka soo galaya ama ka dhoofaya sida sawirka, magaca iyo waliba faraha.

Laakiin waxa ay IOM sheegtey in mashruuca intiisa kale ay qaadan karto illaa sano, wuxuuna ka koobanyahay tabobar iyo kobcinta aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha ka shaqeeya hawlaha socdaalka.

Waxaa shirka ka qeybgalay Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow oo ah agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya iyo waliba Cabdirashiid Cali Axmed oo ah agaasimaha laanta socdaalka Puntland.

Goobjoog News