U bood dhigaalka

Hey’adda Jiheynta Hawada Soomaaliya oo iyadiiba Jaho-wareersan

Sheeko:Dalka

Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan duulimaadyada aadaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Waxbixinta waxaa ku xusan oo kale in duulimaad kasta oo ka imaanaya meel ka mid ah Kenya, una socda Kismaayo ay qasab tahay iney soo maraan Muqdisho.

Waxaa qoraalka lagu adkeeyey duulimaadyada gudaha iyo dibadda ah ee ku socda Kismaayo, taas oo hey’adda ku sababeysay iney marsiin-doonto baaritaan.

Waxaa xusid mudan in horay isu burisay hey’adaasi, oo mar sheegtay in laga qaaday, hadana tiri ma jirin xayiraad la saaray Kismaayo.

23-kii bishii hore ayey ahayd markii shirkadaha duulimaadyada lagu wargeliyey in muddo Saddex cisho ah aanay wax duulimaad ah ka sameyn karin magaalada Kismaayo, kadib warqad ay ka heleen hay’adda duulista hawada dalka.

Hey’adda duulista hawada maareeyaheeda ayaa si cad ugu sheegay warbaahinta in aanu jirin wax xayiraad ah oo uu maamulkooda saaray duulimaadyada taga ama ka baxa magaalada Kismaayo.

 

Dhankeeda, war saxaafadeed  ka soo baxay wasaarada Gaadiidka ayaa lagu fasaxay duulimaadyadii diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo Kismaayo.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumada Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowlada ay fasaxfay howlihii duulimaadka kadib codsi ugu yimid Shacabka Kismaayo.

Arrimahaas kala hadalka waxaa ay keeneen in la ogaaday jaha-wareerka ka jira hey’adaha kala duwan ee dowladda oo kala socda, kana muuqato cabsi iyo kalsooni-darro.

Amarkan cusub, lama oga sida uu u dhaqan geli-doono, laakin waa talaabo kale oo dhibaato ku ah bulshada ku dhaqan Kismaayo.

Goobjoog News ayaa ogaaday in ay kor u kaceen qiimaha lagu raaco diyaaradaha ilaa $200 halka ay dhibaato la kulmeen ganacsatada, bukaanka iyo cid walbo oo safar ah. Qiimaha Tikit-ka Kismaayo iyo Dhoobley oo horay u ahaa  $70 ayaa noqday $ 250.

Goobjoog News