U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo Warbixin Kasoo Saartay Khasaaraha Qaraxyadii Soobe iyo Gurmadka Socda

Sheeko:Amniga

Hey’adda Maareynta musiibooyinka dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartay warxasaafadeed ku aadan halka uu marayo gargaarka laga sameeyay qaraxyadii ka dhacay 29-kii bishii October Isgoyska Soobe, waxaana qoraalka ka soo baxay hey’adda lagu sheegay in qaraxaad ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay 119 ruux, halka ay dhaawacyo kale duwan ay qabaan 334 ruux, iyadoo nolol iyo geeri lagu la’yahay 13 ruux, kuwaas oo wali la baadi goobkooda lagu jiro.

Waxaa sidoo kale bayaanka kasoo baxay he’adda lagu xusay in Maalaayiin Dollar lagu waayay qaraxyadii dhacay, waxaana uu burbur baahsan soo gaaray goobo ganacsi oo badan oo ku dhowaa wasaaradda waxbarashada, dadka ku dhintay ayaa waxaa ku jiray Suxufiyiin Soomaaliyeed, hey’adda ayaa soo saartay xog uruurin kooban oo ku aadan khasaarihaha jira iyo sida loogu guulaystay in la uruuriyo xog saxan, kadib markii dad badan ay ka qeyb galeen Gurmada laga sameeyay.

Shirkadaha Ganacsiga ayaa waxaa markaas kadib dhankooda ay bilaabeen in ay deeqo lacageed ugu deeqaan dadkii wax ku noqday qaraxyadii dhacay, Shirkadda Dahabshiil Group ayaa $500,000 ugu deeqday gurmadka, halka  Hormuud Foundation ay Bixisay $200,000, Premier Bank ayaa ku Yaboohay $100,000, Beco Yabooh $50,000 iyo ganacsatada oo isku daray lacag tiro ahaan dhan Ganacsato/ganacsi yar Bixiyay $80,000, halka Xukuumaddu bixisay $1,000,000 oo Gargaar ah.

Qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa waxaa laga dareemayaa burbur xoogan oo ka dhashay oo soo gaaray goobo ay la haayeen ganacsato Soomaaliyeed, waxaana uu noqday xusuus kale oo dhacday Bisha October, waxaana dadka ku naf waayay ay gaarayaan 119 ruux, halka ay dhaawacyo qabaan, 334 ruux, iyadoo nolosha lagu la’ayahay 13 qof oo geeri iyo nolol aan lagu heyn, dowladda Jabuuti ayaa noqday dowladdii ugu horeysay oo Dhaqaatiir soo dirtay kadob baaqii madaxweynaha.

EZKgbGDdMU4eInbm97 (1)

Goobjoog News