U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta oo Asbuucaan Saadaalisay in Roobab Aan Badneyn la heli doono

Sheeko:Amniga

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa soo saartay saadaasha Todobaadka ugu horeeya Bisha November ee ku aadan isbedelka Cimilada, taas oo laga muujinayo walaac in Roobabka aysan u di’i doonin sidii loo baahnaa oo Roobabku ay yaraan doonaan, sida laga dheehan karo saadaasha Hey’adda ee Todobaadka Koowaad ee Bisha November 2022.

Gobollada Waqooyi Galbeed Awodal, Sool, Togtheer, Nugaal, Bari, Mudug iyo Hiiraan aysan heli doonin Roobab badansida la saadaaliyay Todobaadkaan, halka gobollada  Sanaag, Galgaduud, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, Banaadir, Baay iyo Bokool ay heli doonaan Roobab lagu qiyaasayo 01-30(mm) sida laga soo xigtay Hey’adda Maareynta.

Saadaasha xilligaan laga bixnayo ayaa waxaa sabab u ah in Soomaaliya ay wajahayso dhibaato ka dhalatay isbedelka ku dhacay Cimilada, taas oo keentay dunida uu aad u kordhay heer kulka, waxaana ka dhashay abaaro kusoo laablaaba iyo roobabka oo aan xilliga la filaayay aan u di’in sidii loo baahnaa, taas oo saameynteeda ay keento in aad loo dareemo.