U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta oo Gargaar Gaarsiisay Qoysas Ku Dhaqan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Sheeko:Amniga
Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gurmad degdeg ah u dirtay ku dhawaad 1,400 oo qoys oo ku dhibaateysan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay ka jiraan abaaro iyo sidoo kale howlgallo ay wadaan ciidanka dowladda.
Agaasimaha Hay’adda Mudane Cabdirishiid Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gurmadkan degdeg ah markii ugu horreysay la mariyey dhulka, taas oo ay suurta gelisay deegannada la xoreeyey ee marinka u ah gurmadku in uu gaaro deegaannadaas.
“Waxaan gurmad degdeg ah u dirnay qoysas ku dhibaataysan degmooyinka Raage-ceele iyo Cadayle ee Gobolka Shabeellada Dhexe, taas oo aan gaarsiinayno deegaannada fogfog ee ay ku dhibaateysan yihiin dadkeennu”Ayuu yiri Agaasime hey’adda Cabdirishiid.
Gurmadkan degdegga ah ee la gaarsiiyey deegaannada Cadayle iyo Raage-ceele ayaa isugu jirta qeybaha raashinka ee muhiimka u ah qoysaskan ku dhibaataysan xaaladaha ka dhashay Abaaraha, waxayna Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA) ay xoogga saaraysaa sidii loo dardar gelin lahaa samata bixinta dadkeenna Soomaaliyeed ee ay la daristay xaaladda adag.
Goobjoog News