U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta oo Gargaar Ka Qeybisay Deegaanka Masagawaa

Sheeko:Amniga
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta boqolaal shacab ah waxa ay gargaar ugu qeybisay magaalada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud oo bilooyin ka hor laga saaray  Al-shabaab.
Waxaa lagu guda jiraa Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxayna Hay’addu bilowday in shacabka ku nool deeganada khawaarijta laga saaray ay gaarsiiso gargaar, si looga caawiyo afurka.
Bulshada deegaanka ayaa ka mahadceliyay deeqda lasoo gaarsiiyay, xilligaan oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, deegaanka ayaa dhowaan soo galay gacanta ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.
Goobjoog News