U bood dhigaalka

Hey’adda NISA oo Gacanta Ku Dhigtay Saanad Ciidan oo Dekadda Kasoo Degtay

Sheeko:Amniga

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

Sirdoonka Somalia ayaa si dhow ula socday Saanadda ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqaynayay intaba.

NISA ayaa sidoo kale la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad balaaran oo kala joogtay dibada, Muqdisho iyo gobalada kuwaas oo ka wada shaqaynayay, soo iibinta, soo rarista, soo dejinta dekada ilaa gaarsiinta gacanta Khawaarijta.

Dhammaan Shabakadii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto iyadoo qofna uusan ka baxsan.

ilaa iyo afar Gaari oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan si ay u gaarsiiyaan Cadowga Khawaarijta ah ayaa sidoo kale uu qabtay sirdoonka Somalia.

Dhanka kale Sirdoonka Somalia wuxuu gacanta ku dhigay Alaabo u socday Cadowga oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Dekada iyo Airport waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena.

Dadka loo qabtay howlahaan waxaa ku jira Ganacsato kuwaas oo dowladdu ay siisay ogolaasho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin dadkeena laakiin taas badalkeeda waxaa muuqata inay dalka soo galinayaan wax halis ku ah dalka iyo dadka.

Dowladda Somalia waxaa ka go’an in talaabo adag laga qaado Danbiilayaasha Khawaarijta iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku haayaan dadkeena, ha ahaadaan Ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo ka mid ah bulshada.

Goobjoog News