Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kaas oo xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa .
Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu-Saacid ama Shariif, ayaa Xilalka Al-Shabaab uu kasoo qabtay waxa kamid ahaa qaaddiga wax ay hey’addu ku sheegtay Maxkamad beenaadka Gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab iyo Lataliyihii Axmed Godane.
Sidoo kale waxaa kamid ahaa xililakii uu kasoo qabtay kooxda dhexdeeda Madaxii Zakawaadka ee Gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Zakawadka , horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA.
Goobjoog News