Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sheegtay in gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, howlgalkaan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Fuuto degmada Kurtun, waxaana bayaanka hey’adda lagu sheegay in la dilay 44 dagaalame oo ka tirsan kooxda Shabaab
Howlgalka ayaa waxaa uu dhacay 12-kii bisha, waxaana sidoo kale qeyb ka ah saaxiibada caalamiga ah ee tageera Soomalaiya, kuwaas oo howlgalkaan gacan ka geystay ay fuliyeen ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Hey’adda ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay fulisay howlgallo kale duwan oo lagu beegsaday xubno Shabaab ah.
Goobjoog News