Heyāadda Qaramada Midoobey u qaabilsan gargaarka degdega ah ayaa sheegtay in ilaa 11 Milyan oo Dollar oo gargaar xagga baniiāāaadamnimo ah ay siin doonaan in ka badan 200,000 oo Soomaali ah kuwaas oo ku dhibaateysan gobollada waqooyiga Soomaaliya.
Xafiiska heyāadda iskuba ridka gargaarka baniiāaadamnimo ee qaramada midoobey ayaa waxaa uu sheegay in gargaarkan ay ku jiri doonaan raashiin, nafaqo, Talaal xoolo iyo adeegyo caafimaad.
Ugu yaraan 40% oo Soomaali ah oo ah in kadan 4 Milyan oo qof ayey wajaheysaa dhibaato baniiāaadamnimo, UN-ka waxaa uu leeyhay 950,000 oo dadkaas ka mid ah waxaa ay la daalaa dhacaayaan cunno laāaan iyo nolol maalmeedka kale.
Dhinaca kale heyāadda Ā Commom Humanitarian Fund (CHF) waxaa ay Soomaali siineysaa ilaa Ā 6.5 million dollars si wax looga qabto cunno yarida, Biyaha iyo arrimaha la xiriira caafimaadka, waxaa kaloo dadka lagu caawin doonaa meel ay gabaad ka helaan.
Goobjoog News