U bood dhigaalka

Hey’adda Socdaalka Qaramada Midoobey U Qaabilsan Oo Xafiis Ka Furaneysa Soomaaliya

Sheeko:Dalka, War

Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan socdaalka ayaa xafiis ka furaneysa magaalada Doollow ee gobolka Gedo, si looga jawaabo qul-qulka barakaca ka dhashay abaarta iyo amni-darida, sidaasi waxaa jimcihii sheegtay IOM.

The International Organization for Migration (IOM) ayaa sheegay in gobolka Gedo ka fulin-doonto goobo dadka lagu dhaqan-celiyo iyo xafiis maamulka.

Kevin Merkelz,oo madax ka ah xafiiska IOM-ta ee Dollow ayaa sheegay in xafiiskan iyo guud ahaan shaqada IOM-ta aaney suura-gasheen haddii maamulka deegaanka aanu gacan-siin.

Qaramada Midoobey ayaa todobaadkan sheegtay illaa 2 Milyan ku barakaceen dalka gudahiisa, 1 Milyan ka mid ah waa 12kii bil ee ugu dambeeyay.

Goobjoog News