U bood dhigaalka

Hey’adda UNDP iyo Dowladda Federaalka oo kala saxiixday heshiis ku saabsan dhismaha maamul goboleedyada

Sheeko:Dalka

UNDPSida ay sheegtey hey’adda mashaariicda horumarinta Qaramada Midoobey ee UNDP, waxaa heshiis wada saxiixday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka iyo UNDP kaasi oo ku saabsan sidii dowladda Soomaaliya gacan looga siin lahaa dhismaha maamul goboleedyada dalka.

Waxaa heshiiska qalinka ku duugey wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Saalax, halka UNDP uu u saxiixay agaasimahooda Soomaaliya George Conway.

Mashruuca waxaa toos u fulinaya UNDP oo kaashanaysa UNSOM , halka dowladda Federaalka ay samaynayso fududeyn.

Waxyaabaha ay UNDP qabanayso waxaa ka mid qodobadii lagu saxiixay qorshaha Hiigsiga Cusub ee kala ah nabadda, dib u heshiisiinta, siyaasadda, amniga iyo waliba caddaaladda.

Heshiiskani ayaa imanaya xili ay socdaan dadaalo lagu dhisayo maamul goboleedyo dalka ka mid ah.

Goobjoog News