U bood dhigaalka

Hiigsiga Aanan La Gaareynin iyo Hirashada 2036-da

Sheeko:Dalka

Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho kusoo gabogaboobey shirka Hiigsiga Cusub kaasi oo laga soo saaray qodobo badan, la’iskuna afgartay.

Kadib 2 maalmood oo la shirsanaa, 120 ergo oo isugu jira kuwa adduunka ka socda iyo golayaasha dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa waxaa lasoo saaray illaa 40 qodob oo dhamaantood ka hadlayay sidii dalka Soomaaliya horumar loo gaarsiin lahaa.

Shirka waxaa looga hadlayay waxyaabihii ka qabsoomay mashruuca Hiigsiga Cusub oo lasoo bilaabay sedex sano ka hor kadib shirkii Brussels ee lagu yaboohay $2.4 Bilyan doolar si loo fuliyo mashaariicda ku xusan qorshaha Hiigsiga ee lixda ah.

War saxaafadeedka laga soo saaray shirka waxaa lagu sheegey in qorshayaasha ay wax badan ka qabsoomeen, ayna jiraan waxyaabo badan oo dhiman.

Laakiin xaqiiqda waxa ay tahay in aysan jirin wax la taaban karo oo ka qabsoomay mashruucani marka laga tago lix mashruuc oo ay ku baxday $240 malyuun oo kaliya oo ka mid ah lacagtii Soomaaliya loogu yaboohay.

Hiigsiga cusub waa barnaamij caalami ah oo ku qotoma 5 tiir oo kala ah siyaasadda, amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caddaaladda, canshuur uruurinta iyo adeegyada dadweynaha.

Qodobka ugu xiisaha badan waa kan siyaasadda oo dhigayay in marka la gaaro sanadka 2016-ka ay dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah, intaasi ka horna la dhameystiro dhismaha maamul goboleedyada, dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, la dhiso guddiga doorashooyinka oo isagu markaasi qabta hawsha ka horeysa in la qabto inta aysan doorasho dhicin sida diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo dabcan in la sameeyo tirakoob.

Ma jiro qodob kuwaasi ka mid ah oo qabsoomey, marka laga reebo guddiga doorashooyinka oo isagu laftiisa bishii hore uun la dhamaystirey, xafiisna aanan wali lahayn, iskaba dhaaf in uu hawl galee.

Cid kasta oo garasho iyo qiyaas leh waa ay fahmi kartay in doorasho qof iyo codkiisa ah aysan dalka ka dhici karin 2016, laakiin madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha waxa uu muddo sedex sano ah shacabka u sheegayaan in ay dhici doonto doorasho.

Daqiiqaddii ugu dambeysey oo ay maalin uun ka dhimanayd shirka Hiigsiga Muqdisho oo dhacay intii u dhaxaysay 29-ka illaa 30-ka July ayay xukuumadda iyo guddi baarlamaanka ka tirsan ay shaaciyeen in aysan suurogal ahayn in doorasho ay dhacdo.

Ma ahayn go’aan cod la galiyey baarlamaanka, waxaa go’aan kasoo gaaray guddi 25 xubnood ka kooban iyo xukuumadda oo markii horaba iyaga hoosta ka wada socdey, xildhibaanada baarlamaanka qaarkoodna waxa ay sheegeen in go’aankaasi uusan ahayn mid dastuuri ah, kana turjumaya rabitaanka baarlamaanka.

Talaabada la qaaday waxay ay ahayd mid lagu hor dagayay shirka Hiigsiga oo lagu waday in lagu go’aamiyo sida ay u ekaan doonto 2016-ka, waxaase muuqatay in ay hoos iska ogaayeen dowladda iyo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya maadaamaa Nicholas Kay uu shirka ka sheegey in UN-ka ay ogaadeen in aysan dhici karin doorasho qof iyo codkiis ah sanadka 2016-ka.

Wuxuuse sheegey in Qaramada Midoobey aysan aqbali karin muddo kororsi, sidaasi oo ay tahay hadalkaasi ma jiro miisaan badan oo uu leeyahay maadaamaa aysan jirin wax damaanad ah cid bixin karta in madaxda dowladda aysan muddada kororsan doonin.

Xisbiyada iyo dadka siyaasadda u dhuun duleela intuba waxa ay walwal badan ka qabaan qorshe hoose oo madaxweynaha iyo baarlamaanka ay mudada ku kororsanayaan. Waxaa isla arrintani qirtey todobaadkani Nicholas Kay laftiisa oo laga soo xigtey isaga oo leh

“Waxaan ogahay qaar ka mid ah madaxda dalka oo qaba in muddada loo kordhiyo”.

Madaxweynaha

Shirkii Hiigsiga waxaa ka maqnaa oo aanan soo xaadirin maamulada Jubbaland iyo Puntland oo iyagu uu xunyahay xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka, sheegeyna in aysan shirkaasi ka qeybgalaynin illaa inta dowladda federaalka ay cagta saarayso sida uu sharciga qabo, kana soo dhalaaleyso waxyaabihii lagu heshiiyey.

Ma ahan oo kaliya in dowladda ay ku dhawaaqday in aysan dhacaynin doorasho guud sanadka 2016, ee sidoo kale dowladda waxa ay albaab furan ka dhigtey habka looga gudbayo marxaladda hadda lagu jiro iyo nooca ay tahay doorashada, tanina waxaa la sheegayaa in dowladda sida ay doonto u dhigi karto qorshaha.

Shirka hiigsiga laftiisa laguma caddeynin nooca ay noqoneyso doorashada dhacaysa, waxaana lagu sheegey kaliya in wada tashi laga galayo arrinta doorasho dhacda.

Laakiin qodobka ugu yaabka badnaa ee kasoo baxay shirka Hiigsiga ayaa waxa uu ahaa in uu jiro qorshe isna la tiigsanayo oo loogu magac daray 2035-ta, waxayna dad badan is weeydiinayaan haddii la gaari waayay hiigsiga 2016-ka, goorma ayaa la gaarayaa 2035-ta?.

Hase yeeshee qaar kale ayaa ku doodaya in Soomaaliya ay ku fiicantahay in hiigsi loo cayimo, sidaas kaliyana ay wax ku qabsamayaan, ugu yaraan wax uun ka mid ah waxyaabihii loo calaamadiyey, haddii kale aysan waxbo qabsan karin Soomaalida.

Goobjoog News