U bood dhigaalka

Hiiraan: Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Sheeko:Dalka

Labadii maalmood ee u dambeeyay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka dagaalamayay gobolka Hiiran ayaa isku soo dhiibay Dowladda, sida uu sheegay Abaanduulaha Ciidamada dowladda ee Gobolka Hiiraan Col. Cusmaan Cabdi Muumin.

Col. Muumin ayaa sheegay in lix dagaalyahano ay isku soo dhiibeen, isla markaana ay soo dhoweeyeen, waxaana uu intaa ku daray inay gacanta ku soo dhigeen nin amiir ahaa oo dhuumaaleysanayay tuulooyin ka tirsan Beledweyn.

“Dhinaca Bari ee magaalada waxaa isku soo dhiibtay labo, dhanka qoraxsin ee galbeedkan afar ayaa isku soo dhiibtay, waxaa soo qabanay nin amiir ahaa oo diiday inuu isu soo dhiibay, gacanta ayaana ku heynaa”ayuu yiri Col, Cusmaan Cabdi Muumin oo la hadlay wariyeyaasha.

Abaanduulaha Ciidamada dowladda ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka qabsadeen dhamaan degmooyinka Gobolka Hiiraan, isla markaana ay kaliya ku sugan yihiin tuulooyinka oo uu sheegay inay ku heysato daruufo xaga nolosha ah.

“Meel buuro ah oo degmada Maxaas ka tirsan ayay hada ku dhuumaaleysanayaan, dhamaan Gobolka degmooyinkiisa waa ka saarnay, meelaha ayay haraad iyo gaajo ku heysaa, waxaa ugu baaqeynaa inay isa soo dhiibaan”ayuu yiri Col. Muumin.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howl galo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay wadaan ciidamada isgarabsanaaya ee Soomaaliya iyo AMISOM, waxaan u suura gashay iney qabsadaan deegaanno ay ka mid tahay degmada Jalalaqsi iyo deegaano kale.