U bood dhigaalka

Guushii Madaxweyne Geelle Oo Laga Taageeray Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayo guushii uu madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka gaaray doorashadii ka dhacday dalkaasi Markiisa Afaraad.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, mas’uuliyiinta degmooyinka gobolkaasi qaarkood, Odayaal dhaqameed iyo saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa ka qeybgalay munaasabaddaasi.

Dhammaan mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadaasi ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Geelle, waxaana ay sheegeen in dowladda Jabuuti iyo gobolka Hiiraan ay wax badan ka dhaxeeyaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo halkaasi isna hadal kooban ka jeediyey ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti, waxaana dhanka kale uu ka codsaday madaxweynaha dalkaasi inuu mataaneeyo magaalooyinka Jabuuti iyo Baladweyne.

Ciidamo ka socda dowladda Jabuuti kana mid ah Howlgalka AMISOM ayaa ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

8-dii bishan doorashada madaxweyne ee dalka Jabuuti ka dhacday waxaa ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle oo markiisii Afaraad hogaamin doona dalkaasi.

Goobjoog News