Hiiraan: Maamulka Iyo Shacabka Oo u Midoobay Ka Hortagga Jarista Dhirta Qoyan

Olole ay qaadeen maamulka degmada Baladweyne iyo dadka deegaanku  waxay soo qab-qabteen 30 ruux oo ka ganacsanaayey shidida dhuxusha  iyo inay deegaano kale u dhoofiyaan dhuxul laga raray deegaanada Hiiraan.

Ololahan oo bilaabay dhammaadka todobaadkii hore  ayey  ku sheegeen inuu yahay wajigii koobaad waxayna  socdaal ku soo mareen deegaanada Diracle , Boonto madaow , Beer gadiid  Takaraale ,baardheer iyo Burcandala waxayna sodonkan  qof ku xiran yihiin hadda magaalada Beledweyne waxayan ka tirsan yihiin deegaanadani degmada Matabaan.

Taliyaha ciidanka Booliska ee degmada Baledweyne Col. Cali Dhuux Mahad Alle   oo fulinaaya  qorshe guud oo maamulka gobolka Hiiraan uu sheegay in ay ku soo afjarayaan xaalufinta deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay qaadi doonaan talaabooyin kale oo ay kula dagaalamayaan dadka dhirta qoyan gooya ““dhirtu waa gabaadka iyo dheefta dadka , xoolaha ayaa isticmaala , dadka ayaa ku nool , cimilada ayey haysaa , waa nolosha , waa in aan la dhoofin dhuxusha , oo waxa loo dhoofinaya  dawlado dhir leh ,  haddii dhuxusha la dhoofinayo  waa in la iska kaashado oo  lala wada dagaalamo  oo aanay suurogal noqonin dhuxul deegaan laga gooyey in deegaan kale laga dhoofiyo iyo in dhuxusha laga jaro geed qoyan toona ee waa in la iska kaashado sidii loola dagaalami lahaa dadka dhuxusha deegaano kale geeya oo waxay taasi keenaysaa in xaddi badan la jaro oo dhir ah madaamay dhoof galayso ” ayuu yiri taliye  Cali Dhuux oo warbaahinta Beledweyne kula hadlaayey

Taliyuhu waxuu sheegay in aanay maamulka gobolka Hiiraan marna ogolaan doonin in dhuxul laga sameeyo dhirta qoyan iyo sidoo kale nin dhuxul loo dhoofiyo deegaano ka baxsan Soomaaliya ama gobol kale oo Soomaaliya ka tirsan toona.

Dadka deegaanka ayaa iyaguna ka qaybqaatay ololahan lagu soo afjaraayo jarista dhirta qoyan , iyada oo la ogol yahay dhirta qalalan in laga shidan karo dhuxul .

Axmed Muumin Tooxaw waxa uu ku noolyahay deegaanada Hareer Baardheer  waxa uu sheegay in ay muddo qabeen cabasho ah in dad dhuxulaysato ahi ay jarayaan dhirtii taasina ay deegaanka u horseeday abaar ba’an oo muddo sannado ah soo jiitamaysay iyo inay doorjoogtii ka hayaanto deegaanka  isaga oo soo dhaweynaya tallaabadan  uu maamulka gobolka Hiiraan ka qaaday dadka dhirta qoyan ka ganacsada waxa uu yiri  “ waxa muddo lix sanno ah na haystay caqabad , aanan arkin muddo 70 sanno ah oo aan jiray , dhirtii waa la jaray abaar ayaa nahaysatay lixdaas sanno , meesha aan joogo waxa la dhahaa hareer baardheer, iyo waxar cadde , wayna mahadsan yihiin maamulka Hiiraan , annagu xoolaha ayaanu dad ku nahay oo dhaqaale kale ma lihin , annaguna waanu ka qayb qaadanaynaa  la shaqayno ,dadka deegaanu kaligood waxba ma qaban karayaan iyada oo aanay la shaqaynin awood dawladeed”

 

Culimo iyo dad ilaalinta deegaanka u dooda ayaa sheeegay iyaguna inay tahay tallaabo lagu diirsanayo  in la dhawro dhirta qoyan oo ay ku tilmaameen inay sabab u tahay roob iyo nolol ay helaan dadka iyo xooluhuba  , waxayna intaas ku dareen in haddii la gooyo dhirtu  ay abaaruhu sii badanayaan , ka dibna ay meesha ka baxayso noloshii baadiyuhu dadkii ku noolaana ay magaalooyinka soo geli doonaan .

Dadka ka ganacsada dhuxushu inkasta oo ay qabaan dood ah in noloshoodu ku tiirsantahay hadana waxay qirsan yihiin in dhuxusha oo laga sameeyo dhirta qoyan  ay keeni karto nabaad guur iyo nolosha deegaanka oo adkaata  Xasan Xaashi oo kamid ah dhuxulaysato ku nool  deegaanada Bacda iyo Harqaboobe  ayaa ka mid ah dadka arragtidaasi qaba .

Maamulka Hiiraan ayaan  cayimin ciqaabta uu la kulmaayo qofka lagu helo isaga oo dhirta qoyan goyana iyo isaga oo dhuxul dhoofinaya toona  inkasta oo intii ay ololaha wadeen ay gubeen dhuxul badan oo iib loo diyaariyey.

Abaaraha inta badan ku soo noq-noqda Soomaaliya ee  waqtigana taagan  waxa qayb weyn laga siiyaa dhirta qoyan oo si xad dhaaf ah loo jaro waxayna dadka ilaalinta deegaanka  u ololeeya ay soo jeediyaan in dadka loo raadiyo bedel ay kaga maarmi karaan dhuxusha guud ahaanba .

Dastuurka Soomaaliya oo qodobkiisa 25-aad  kaga hadlay arrinta deegaanka, waxa uu sheegayaa in muwaadinka Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu  ku noolaado deegaan caafimaadkiisa la dhawray , iyo inuu qofkastaaba xaq u leeyahay inuu helo deegaan  laga ilaaliyey in looga faa’idaystay si xad dhaaf ah oo waxyeelo u gaysan kara deegaanka

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW